RB Leipzig oo go’an ka gaartay Xidiga Christopher Nkunku ee Xiisaha ka helaya Man United

Agaasimaha RB Leipzig Oliver Mintzlaff ayaa ku adkaystay in Christopher Nkunku aanu ka tagi doonin kooxda ka ciyaarta Bundesliga inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

24 jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo dhaliyay 18 gool, waxaana uu diiwaan geliyay 13 caawin 30 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Nkunku waxa uu maamulay todobo gool iyo labo caawin lix kulan oo uu saftay wareega group-yada ee Champions League xilli ciyaareedkan, waxaana jiray hadal heyn badan oo ku saabsan mustaqbalkiisa.

Manchester United ayaa la rumeysan yahay inay xiiseyneyso xiddiga reer France, kaasoo awood u leh inuu ka shaqeeyo boosas kala duwan oo seddexaad ee ugu dambeeya garoonka.

Si kastaba ha ahaatee, Mintzlaff ayaa sheegay in Nkunku uusan ka tagi doonin Leipzig inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*