Home Wararka Ciyaaraha Real Betis 2-2 Barcelona (2-4): Barca oo Finalka Supercopa Spain ku balansatay...

Real Betis 2-2 Barcelona (2-4): Barca oo Finalka Supercopa Spain ku balansatay kooxda Real Madrid

0
Ad

Barcelona ayaa ciyaarta finalka Supercopa de Espana la ciyaari doonta kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Real Madrid waxayna uga mahad celinayaan rigoorayaal ay kaga badiyeen Real Betis.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-2 waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta, ka hor inta uusan Marc-Andre ter Stegen laba rigoore badbaadinin si uu kooxdiisa ugu guuleysto.

Ad

Sidii la filayeyba, Barcelona ayaa ku gacan sarreeyey Ciyaarta iyadoo kooxda reer Catalonia ay ku raaxaysanaysay in ka badan 80% kubbada 20kii daqiiqo ee furitaanka ciyaarta.

Barcelona ayaa labada gool ee kulanka uga mahacelineysa Robert Lewandowski iyo Fati lakin labada gool waxaa kala barbareeyay  N. Fekir L. Moron taasi oo ka dhigtay in rigoorayaal leesla aado.

Kooxda Barca ayaa ku soo baxday 2-4 Rigoorayaal ah iyadoo sidaasi ku balansatay kooxda Real Madrid

Previous articleFulham 2-1 Chelsea: Blues oo dhulka lagu jiiday mar kale iyadoo Joao Felix lasiiyay Casaan
Next articleGraham Potter oo ka falceliyay kaarka cas ee Joao Felix ” Waxa uu ku tilmaamay ”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here