Real Madrid 1-0 Athletic Bilbao: Karin Benzema oo Los blancos ka Caawiyay inay Hogaanka ku Qabato Todobo dhibcood

Kooxda Real Madrid ayaa guul ciriiri ah ka gaartay Kooxda Athletic Bilbao kulankooda Horyaalka La Liga Spain.

Gool uu qeybta hore ee Ciyaarta u dhaliyay Xidiga Karin Benzema ayaa Real Madrid ka Caawiyay guushooda kulankan.

Karim Benzema ayaa daqiiqaddii 40aad dhaliyey goolka madiga ah ee Real Madrid u go’aamiyey saddexda dhibcood. Kubbad uu Marco Asensio ku toogtay goolka ayaa waxa badbaadiyey goolhaye Simon, waxayse xerada ganaaxa ka helay Luka Modric oo usii gudbiyey Karim Benzema oo hal taabasho ku dhamaystiray.

Karim Benzema ayaana helay dhoor fursad oo gool loo fishan karay waxaase ka badbaadiyay goolhayaha.

Natiijadan ayaa ka  dhigan in Real Madrid ay yeelatay 36 dhibcood, waxaanay toddoba dhibcood ka horreysaa Atletico Madrid iyo Real Sociedad oo min 29 dhibcood haysta, hase yeeshee Atletico Madrid waxa baaqi u ah hal kulan oo ay kusoo yarayn karayaan dhibcaha Real Madrid.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*