Real Madrid ayaa u soo baxday finalka Supercopa de Espana kadib markii ay 4-3 rigooreyaal ah kaga badisay Valencia ka dib markii ay barbaro 1-1 ah ku kala baxeen waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray.
Kooxda Carlo Ancelotti ayaan ku jirin xaaladii ugu fiicneyd ee Riyaad, laakiin rigoore uu u dhaliyay Benzema qeybtii hore ee ciyaarta ayay Hogaanka ku qabatay Kulankan.
Samuel Lino ayaa daqiiqadii 46-aad ee ciyaarta goolka barbaraha u dhaliyay Valencia ka hor inta uuna Giorgi Mamardashvili saddex gool badbaadin fiican ka sameeyay waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta waxana Ciyaarta ku soo dhamaatay 1-1 iyadoo Rigoorayaal ay ku soo baxday Real Madrid.
Los Blancos ayaa hami doonta koobkeedii saddexaad ee Supercopa afartii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay Axada marka ay wajahaan kooxda soo badisa semi-finalka Khamiista ee u dhexeeya hogaamiyayaasha LaLiga ee Barcelona iyo Real Betis.