Home Warka Xiisaha Leh Real Madrid 2-1 Rayo: Rodrygo Oo Guul Ku Hoggaamiyey Real Madrid Kulan...

Real Madrid 2-1 Rayo: Rodrygo Oo Guul Ku Hoggaamiyey Real Madrid Kulan Dusha Sare La Saaray Vinicius Jr

0
Ad

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa kusoo laabatay jidka guusha iyo kaalinta labaad ee horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, kaddib markii ay guul 2-1 ah ka gaadheen Rayo Vallecano oo si adag u dagaallantay.

Ciyaar ay hadhaysay xiisadda Vinicius Junior ee cunsuriyadda, ayaa waxa Los Blancos guusha siiyey Rodrygo Goes oo waqti dambe go’amiyey ciyaarta markii uu shabaqa soo taabtay dhamaadka ciyaarta oo ay hal daqiiqo ka hadhsan tahay.

Ad

Rayo Vallecano ayaa ciyaarta ku bilaabatay si xooggan oo daqiiqadihii ugu horreeyey darbado xooggan faraha ku casaysay Thibaut Courtois oo ka feejignaa khatarta toogashada ee masaafada fog ee ay caanka ku yihiin Rayo.

Los Blancos ayaa qirsanaa in ay nasiib ahayd guushan iyo goolkii ay qaybta hore heleen, sababtoo ah Courtois ayaa la baxsaday daqiiqadihii ugu horreeyey oo kubbado halis ahaa oo bannaanka lagaga toogtay ka badbaadiyey Valencin, Lopez iyo Palazon.

Baas qurux badan oo uu Federico Valverde kasoo dhax-saaray difaaca Rayo Vallecano ayaa waxa uu xerada ganaaxa  u dhigay Benzema oo isaguna kasii daba-baxay ciyaartoydii waardiyeynayay, waxaana uu usoo gooyey goolhayaha oo uu shabaqa u weydaariyey.

Inkasta oo uu goolkaasi ahaa midka kaliya ee ciyaarta, Rayo Vallecano ayaa 45kii daqiiqadood ee hore waxay 17 kubbadood iskugu dhiibeen meel aan ka fogeyn goolka Real Madrid, halka Los Blancos ay khadka  dhexe kubbadaheedu ku lumayeen.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad, waxay ciyaarteedu sare usoo kacday Real Madrid oo ilaashatay rikoodhkeeda ah in 62 ciyaarood oo isku xiga oo horyaalka ah oo ay goolka la hormartay aan laga badinin, waxaana ugu dambaysay February 2019 oo ay Girona ka daba timid oo ay saddexda dhibcood ka tirsatay.

Karim Benzema oo dhaawc fudud la dhutinayay qaybta hore ayaa waqtigii nasashada ay dhakhaatiirtu daaweeyeen, waxaanay taasi keentay in ciyaarta kooxdiisu ay sare usoo kacdo isaga oo la shaqaynayay garabka midig iyo khadka dhexe.

Rayo Vallecano ayaa keentay goolka barbarraha dhamaadka ciyaarta oo ay siddeed daqiiqadood ka hadhsan yihiin, waxaana gool qurux badan dhaliyey Raul De Thomas oo xerada ganaaxa loogu dhiibay kubbad laga soo dhigay dhinaca bidix oo uu Chavarria soo farsameeyey.

Ciyaarta oo u muuqanaysay inay ku dhamaanayso barbarro, ayaa waxa Real Madrid geesigeeda noqday Rodrygo Goes oo kubbad uu la soo dhax-orday dersin difaaca Rayo Vallecano ah dhinaca fog ka dhigay goolhaye Stole Dimitrievski, waxaana uu goolkani dhashay iyadoo ciyaarta ay ka hadhsan tahay hal daqiiqo oo kaliya.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay yeelatay 64 dhibcood, waxaanay soo gashay kaalinta labaad oo ay kala baxday Atletico Madrid, balse kooxda Simeone ayaa haddii ay soo guuleysato waxay la wareegi kartaa booskaas.

Previous articleInter Milan Oo Ku Guuleysatay Koobkii LABAAD Xilli-ciyaareedkan
Next articleVictor Osimhen oo ka degay waddanka Germany Xili Lala Xariirinaayo kooxda Bayern

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here