Real Madrid 2-2 Elche: Los Blancos oo sameesay soo laabasho cajiib ah Xili bar-baro lagu qabtay

Real Madrid ayaa si lama filaan ah goolal uga keentay Elche markii labaad afar maalmood gudahood iyadoo Eder Militao uu waqtigii dhimashada madax ku dhaliyay barbaro 2-2 ah La Liga.

Hogaamiyayaasha horyaalka ayaa ka soo kabtay goolkii looga hormaray khamiistii Copa del Rey ee looga adkaaday isla kooxda, waxaana markan labo ka mid ah dhaliyay, iyadoo Lucas Boye iyo Pere Milla – oo casaan la siiyay bartamihii isbuuca – ay u muuqdeen kuwa guul-daro dhabarka u saarinaya Madrid guuldaradii ugu horeysay ee garoonkooda.

Karim Benzema ayaa qeybtii hore ee ciyaarta ka qasaariyay rigoore loo dhigay kooxda martida loo ahaa, laakin Luka Modric ayaa gool ka soo celiyay.

Militao ayaa markaas madax ku dhaliyay gool barbardhac ah daqiiqadii 92aad si uu Elche uga diido guushii ugu horeysay ee kulankan tan iyo March 1978, waxaana uu soo celiyay farqiga afar dhibcood ah oo ay ka sareyso Sevilla oo ku jirta kaalinta labaad.

Real Madrid ayaa u safreysa San Mames si ay ula kulmaan Athletic Bilbao wareega 8da Copa del Rey. Elche ayaa laba maalmood ka dib ku soo dhawaysay Alaves horyaalka.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*