Real Madrid oo ku biirtay tartanka loogu jiro xiddiga Napoli ee Victor Osimhen

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa weeraryahanka kooxda Napoli Victor Osimhen xagaagan.

Mustaqbalka 23-sano jirkaan ayaa haatan ah mid si weyn loo hadal hayo, iyadoo kooxo dhowr ah oo ay ku jiraan Manchester United iyo Arsenal la sheegay inay xiiseynayaan saxiixiisa.

Osimhen ayaa markale qaab ciyaareed xoogan ku soo bandhigay kooxdiisa talyaaniga xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 11 gool sidoo kale caawiye ka noqday 4 gool 22 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Dhanka kale, waxa uu dhaliyay 21 jeer waxaana loo diwangeliyay todobo caawin 52 kulan oo uu u saftay Blues tan iyo markii uu uga soo dhaqaaqay Lille Sebtember 2020.

Sida laga soo xigtay Calciomercato , Real Madrid ayaa xiiso xoogan u muujineysa xiddiga heerka caalami ee dalka Nigeria ka hor inta uusan furmin suuqa kala iibsiga xagaagan.

Osimhen – oo qandaraas kula jira kooxdiisa Naples ilaa Juun 2025 – wuxuu u muuqday inuu yahay dookh kale oo Erling Braut Haaland haddii ay dhacdo in Los Blancos ay waydo heshiiska weeraryahanka Borussia Dortmund ee suuqa soo socda.

Awooda dhaqaale ee Newcastle United ayaa sidoo kale lagu xamanayaa inay kooxda dhigtay meel adag oo ay ugu tartanto saxiixa xiddiga reer Nigeria.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*