Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay raadcaynayso xidiga Leicester City ee Wesley Fofana .
21-sano jirkaan ayaa heer sare ka gaaray Foxes intii lagu jiray ololihii 2020-21 laakiin weli ma ciyaarin xilli, isagoo dhaawacyo halis ah ka soo gaaray lugta intii lagu jiray isku dhacii ka hor xilli ciyaredki bishii Ogosto.
Sida laga soo xigtay Marca , Real Madrid ayaa u aqoonsatay xiddiga reer France inuu yahay bartilmaameedka ugu horeeya ee suuqa kala iibsiga, iyadoo kooxda reer Spain ay isku diyaarineyso mustaqbalka.
Fofana ayaa 38 kulan u saftay Leicester xilli ciyaareedkii hore, isagoo ka caawiyay kooxda Brendan Rodgers inay ku guuleysato FA Cup, marka laga soo tago inay xaqiijisatay kaalinta shanaad ee Premier League.
Rodgers ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in daafaca uu ku sii jeeday inuu ku soo laabto tababarka buuxa bishii Febraayo, isagoo horumar wanaagsan ka sameeyay dhaawacii halista ahaa ee soo gaaray.