Real Madrid, Barcelona iyo Juventus oo dib u soo nooleynaya Super League’

Real Madrid , Barcelona iyo Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay yeesheen wadahadalo cusub oo ku saabsan dib u soo nooleynta Super League Yurub , sideed bilood ka dib markii ugu horeysay ee hindisaha la bilaabay.

Mashruucan ayaa markii ugu horeysay lagu dhawaaqay April 2021 waxaana ku jiray heshiisyo Manchester United , Manchester City , Liverpool , Chelsea , Arsenal , Tottenham Hotspur , AC Milan , Inter Milan iyo Atletico Madrid .

Lixda kooxood ee Ingariiska ah, laba Talyaani ah iyo Atletico ayaa dhammaantood ka baxay tartanka Super League ka dib markii fikraddaasi ay muran ka dhex dhalisay bulshada kubbadda cagta, laakiin saddexda kooxood ee Los Blancos, Barca iyo Juve ayaa ku hadhay fikradda.

Sida laga soo xigtay The Mirror , saraakiisha sare ee saddexda naadi ayaa wada kulmay waxayna diyaar u yihiin inay dib u bilaabaan soo jeedintooda Super League, iyagoo doonaya inay qaataan hab sharci ah oo abuuraya mashruuc waara sidoo kale.

Soo jeedinta bishii April ayaa sababtay diidmo ka timid taageerayaasha, gaar ahaan UK, sidaas darteed Real Madrid, Barcelona iyo Juve waxay kireeyeen shirkad weyn oo PR oo fadhigeedu yahay London si ay uga caawiso hanashada codka taageerayaasha kooxaha Premier League.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*