Real Madrid iyo Manchester City oo guulo gaaray Halka Ac Milan lagu qabtay bar-baro iyo Blues oo laga badiyay, Kulamada Champions Leageu-ga Caawa

kulamo ka tirsan Champions league-ga ayaa caawa la ciyaaray waxana Guulo gaaray kooxaha City iyo Real Madrid halka bar-baro lagu qabtay Ac Milan, sidoo kale PSG ayaa guul ka gaartay Juventus.

Kylian Mbappé ayaa dhaliyay labo gool iyadoo PSG ay guul ka gaartay kooxda Juventus oo isbadal sameesay qeybta labaad ee ciyaarta taasi oo keentay inay gool hesho.

Mbappé ayaa labadiisa gool dhaliyay daqiiqadiihii 5aad iyo 23aad ee ciyarta halka goolka Juventus uu yimid qeybta labaad daqiiqadii 53aad waxana u dhaliyay McKennie.

Real Madrid ayaa tijaabo adag ku martay Glasgow iyadoo dhaawac ku waayay Karim Benzema waxana ay ku badiyeen Sadex gool oo yimid qeybta labaad ee ciyaarta.

Labo gool oo lagu dhaliyay labo daqiiqo gudahood iyo gool Saddexaad ayaa Real Madrid ka caawiyay inay guul ka gaarto kulankan iyadoo qeybta danbe boorka iska jaftay.

Vinícius ayaa goolasha daah furay daqiiqadii 58aad ′, Modrić ayaa ku daray 59 Daqiiqo′, halka Hazard uu soo qatimay daqiiqadiii 77aad′

Dhanka kale Manchester city ayaa guul ka gaartay kooxda Sevilla iyadoo ku xasuuqday 4 gool waxana labo kamid ah dhaliyay Xidig Haaland.

Erling Haaland ayaa laba gool dhaliyay kulankiisii ​​ugu horeeyay ee Champions League ee Man City isagoo goolasha daah-furay daqiiqadii 21aad halka uu ku daray goolka labaad Daqiiqadii 67aad waxana labo gool raacsaday Foden 58 daqiiqo iyo Diaz Daqiiqadii 90+2aad

Ugu danbeyn Kooxda chelsea ayaa guuldaro kala kulantay gudaha dalka Croatia iyada oo goolka kaliya ee looga badiyay uu dhaliyay Mislav Oršić bilowga ciyaarta daqiiqadii 15aad.

Thomas Tuchel ayaa kulankiisii ​​ugu horeeyay u gacan galiyay weeraryahankeeda Pierre-Emerick Aubameyang isagoo aan waxba soo kordhin xidigan.

Natiijooyinka kulamaa la ciyaaray

Group E:

Dinamo Zagreb 1-0 Chelsea

RB Salzburg 1-1 AC Milan

Group F:

Celtic 0-3 Real Madrid

RB Leipzig 1- 4 Shakhtar Donetsk

Group G:

Borussia Dortmund 3-0 FC Copenhagen

Sevilla 0-4 Manchester City

Group H:

Benfica 2-0 Makabi Haifa

Paris Saint-Germain 2-1 Juventus.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*