Real Madrid laacibkeeda Lucas Vazquez oo ka hadlay Hadii uu ku biirayo Atletico Madrid.

Photo/Reuters

Real Madrid xidigeeda Lucas Vazquez ayaa lagu soo waramayaa inuu iska diiday fursad uu ugu biirilahaa kooxda Atletico Madrid marka uu qandaraaskiisa Blancos dhaco xagaaga soo socda.

Ciyaaryahankan reer Spain ayaa qandaraaskiisu dhacayaa bisha soo socota, waxaana la rajeynayaa inuu u dhaqaaqo albaabka looga baxo Bernabeu iyadoo wadahadalada heshiis kordhinta ay miro dhal noqon waayaan.

Real ayaa loo maleynayaa inay dalab hormaris ah u soo bandhigtay Vazquez, laakiin weli mustaqbalkiisa uma uusan dhigin kooxda, waxaana ay u muuqataa inay qarka u saaran yahay inuu joojiyo xiriirkiisa Los Blancos xagaagaan.

Sida laga soo xigtay AS , Atletico ayaa soo bandhigtay xiisaha ay u qabaan saxiixa Vazquez, laakiin 29 jirkaan ayaa si edeb leh ku diiday fursadaas sababo la xiriira xiriirkiisa Real.

Warbixinta ayaa intaa ku dareysa in Vazquez laga yaabo inuu isku dayo inuu saxiixo dalab cusub oo Real Madrid ah.

Vazquez ayaa dhaliyay labo gool, waxaana uu dhigay sideed kale 34 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu haatan ku maqan yahay dhaawac jilibka ah.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*