Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayso dalab 10 milyan oo euro ah oo u dhiganta (£8.5m) oo ay kuda’yarka Borussia Dortmund ee Youssoufa Moukoko iyada oo rajaynaysa in ay xagaagan keento Bernabeu.
Weeraryahanka ayaa kulankiisii ugu horeysay u saftay Dortmund isagoo 16 jir ah bishii Noofambar 2020, waxaana uu 36 jeer u saftay kooxda Jarmalka, isagoo dhaliyay afar gool islamarkaana diiwaan geliyay labo caawin.
17-sano jirkaan ayaa ku dhibtooday inuu boos joogto ah ka helo xilli ciyaareedkan, inkastoo dhibaatooyin badan oo dhaawacyo ah ay ka dhigeen olole niyad jab ku ah da’yarta.
Moukoko ayaa dhaliyay hal gool waxaana uu caawiyay labo gool 15 kulan oo Bundesliga ah xilli ciyaareedkan, halka uu kaliya seddex jeer ka soo muuqday Europa League iyo Champions League.
Sida laga soo xigtay saxafiga Ekrem Konur , da’yarka ayaa doonaya inuu ka tago Dortmund inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, kooxo badan ayaana isha ku haya xaalada.
Konur ayaa sheegay in Real Madrid ay diyaarisay lacag dhan 10 milyan oo euro oo u dhiganta (£8.5m) oo ay ku dooneyso weeraryahanka, kaasoo qandaraaskiisa ay ka harsan tahay wax ka yar 12 bilood.
Saxafiga ayaa sheegay in Los Blancos oo dhamaadka bishan la ciyaari doonta Liverpool finalka champions League ay diyaar u tahay in ay xiddiga da’doodu ka hooseyso 21-jirada Germany u soo bandhigaan heshiis dhacaya June 2026.
Moukoko waxa uu u soo ciyaaray Dortmund Under-17 isagoo kaliya 13 sano jir ah, halka uu matalay 19-sano jirkooda 14 jir, isagoo aad ugu fiicnaa nidaamka dhalinyarada kooxda ka dib markii uu ka soo wareegay St Pauli 2016.
Ciyaaryahanka da’da yar ayaa bedel soo daahay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee kooxdiisa Bundesliga, halka uu kaliya ku soo bilowday horyaalka hal mar xilli ciyaareedka 2021-22.
Dortmund ayaan awood u lahayn inay kala xaajooto qiimaha sarre ee Moukoko, waxaana la arki doonaa haddii Real Madrid ay tartan adag kala kulmeyso saxiixiisa.
Real Madrid ayaa wali ka shaqaynaysa in Kylian Mbappe ay si xor ah ugala soo wareegto Paris Saint-Germain xagaagan, inkasta oo xiddiga heerka caalami ee dalka France aanu wali go’aansanin inuu u wareego Spain.
Gareth Bale ayaa beeca xorta ah uga tagi doona Bernabeu xagaagan, halka ay jirto hubaal la’aan ku hareeraysan mustaqbalka Marco Asensio , Luka Jovic iyo Mariano Diaz ka hor suuqa soo socda.
Si kastaba ha ahaatee, maamulaha Los Blancos Carlo Ancelotti ayaa Sabtidii sheegay in Eden Hazard uu kooxda sii joogi doono wixii ka dambeeya dhamaadka suuqa kala iibsiga xagaagan.
Vinicius Junior iyo Rodrygo ayaa sidoo kale labadoodaba fure u ahaa guulaha kooxda xilli ciyaareedkan, waxaana la rumeysan yahay in kii hore uu qarka u saaran yahay inuu saxiixo heshiis cusub oo ka dhigaya inuu saddex jibaaro lacagtiisa kooxda.
Karim Benzema ayaa ah xiddiga ugu cad cad ee Real Madrid xilli ciyaareedkan inkasta oo xiddiga heerka caalami ee dalka France uu dhaliyay 44 gool isla markaana loo diiwaan galiyay 15 caawin 44 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.