Real Madrid oo aan u dhaqaaqi doonin Kylian Mbappe bisha Janaayo’

@reuters

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ayna wax niyad ah u hayn in ay u dhaqaaqdo weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe marka la gaadho suuqa January.

Kooxda Isbaanishka ayaa dhowr dalab laga soo celiyay weeraryahanka heerka caalami xagaagii hore.

Mbappe ayaa dhawaan qirtay inuu waydiistay inuu isaga tago PSG, laakiin kooxda Ligue 1 ka ciyaarta ayaa sii heysatay, waxaana ay hadda halis ugu jirtaa inay si xor ah ku waayaan xiddiga heerka caalami ee dalka France sanadka soo socda.

Inkastoo ay xiiseynayaan kooxo kale oo caan ah oo Yurub ah, Mundo Deportivo ayaa ku warameysa in Madrid aysan isku dayi doonin inay heshiis la gaarto PSG bisha Janaayo.

Mbappe ayaa lix gool iyo sagaal caawiye ka ahaa 15 kulan oo uu tartamada oo dhan u saftay PSG xilli ciyaareedkan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*