Real Madrid oo amaah kula soo wareegtay Iker Bravo

Real Madrid ayaa dhamaystirtay saxiixa Iker Bravo oo ay amaah kaga soo qaadatay Bayer Leverkusen .

17 jirkaan ayaa xagaagii hore ka tagay akadeemiyada Barcelona ee La Masia isagoo ku biiray kooxda ka dhisan Bundesliga ka dib markii uu ku guuldareystay inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda Catalan.

Bravo ayaa si joogta ah uga soo muuqday kooxda Leverkusen ee Under 19, halka uu labo kulan u saftay kooxda sare kulan horyaal ah oo ay la ciyaareen Hertha Berlin iyo kulan ay DFB-Pokal la yeelatay Karlsruher.

Si kastaba ha ahaatee, Bravo ayaa hadda ka tagay Leverkusen isagoo dib ugu laabtay Spain, waxaana uu amaah ugu biiray kooxda ay xafiiltamaan Barcelona ee Real Madrid.

Heshiiska amaahda ah ee xilli ciyaareedka ayaa sidoo kale waxaa ku jira ikhtiyaarka wax iibsiga ee ciyaaryahanka 19 jirada Spain, kaasoo la filayo inuu u ciyaaro kooxda kaydka ah ee Real Madrid.

Bravo ayaa ku biiri doona kooxda Castilla – oo haatan ka ciyaarta heerka seddexaad ee kubada cagta Spain – halkaasoo uu maamuli doono weeraryahankii hore ee Real Madrid Raul .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*