Real Madrid oo bar-baro 0-0 ah la gashay Villarreal, iyo Atletico Madrid oo guul-darro la kulantay

Real Madrid ayaa saddex dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hoggaanka horyaalka Spain ee LaLiga kaddib barbarro ay garoonkeeda Santiago Bernabeu kula gashay Villarreal.

Los Blancos oo aan wali laga badinin xilli ciyaareedkan ayaa waxay qaabbishay Villarreal saacado kaddib markii laga badiyey Atletico Madrid oo kaalinta labaad ku jirtay, waxayse awoodi waayeen inay shabaqa soo taabtaan inkasta oo ay heleen fursado badan.

Eden Hazard iyo Isco oo beddel kusoo galay qaybtii dambe ayaan wax isbeddel ah ku samaynin ciyaarta, jaanisyadii ugu fiicnaa ee qaybta labaad soo maray Madrid na waxa lumiyey Vinicius Junior, Eder Militao iyo Karim Benzema.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbarro goolal la’aan ah, waxayse Real Madrid hal dhibic ku darsatay dhibcihii ay hoggaanka ku haysay.

Real Madrid waxay yeelatay 17 dhibcood oo ay ka xoogsatay toddoba ciyaarood oo ay dheeshay, taas oo ka dhigan inay afar dhibcood  iska lumiyeen. Kaalinta labaad waxa soo gashay Sevilla oo 14 dhibcood yeeltay laakiin ka sarraysa Atletico Madrid  oo ay isku mid yihiin maadaama ay hal ciyaar ahi baaqi u tahay.

Dhanka Kale Kooxda Atletico Madrid ayaa la kulantay Guuldarro 1-0 ah oo kasoo gaartay Kooxda Deportivo Alaves taasi oo ka dhigeysa inay u dhacdo Booska 3aad ee Horyaalka iyadoo 14 Dhibcood la wadaagta Sevilla oo ku jirta Kaalinta Labaad.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*