Home Horyaalka Germalka Real Madrid oo bartilmaameed sare ka dhigeysa David Alaba si ay ugu...

Real Madrid oo bartilmaameed sare ka dhigeysa David Alaba si ay ugu buuxiso booska Sergio Ramos.

0
Photo/ Reuters

Bayern Munich xidigeeda David Alaba ayaa lagu soo waramayaa in uu bartilmaameed u yahay kooxda Real Madrid ‘ si ay ugu badalaan Sergio Ramos hadii ay ku guuldareestaan heshiiskiisa cusub.

Ramos waa galay sannadkiisii ugu danbeeyay ee qandaraaskiisa Madrid inkastoo la filayo in loo soo bandhigay heshiis seddex sanno ah.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa la rumeysan yahay inuu diyaar u yahay inuu sii joogo Bernabeu, laakiin waa hadii loo kordhiyo labo sano oo mushahar kordhin ah.

Sida laga soo xigtay AS , Madrid ayaa kaliya diyaar u ah inay gacanta u galiso Ramos 12 bilood oo dheeri ah iyadoo aan loo kordhin mushahar.

Warbixinta ayaa tilmaameysa in Los Blancos ay durbaba isha ku heyso daafacyo dhexe, iyadoo dooqa koowaad ka dhigtay daafaca kooxda Bayern Alaba.

Alaba laftiisa ayaa ku lug leh wadahadalo heer sare ah oo qandaraas kordhin ah oo uu kula jiro kooxdiisa, isagoo ku guuldareystay inuu ogolaado in loo kordhiyo qandaraaskiisa haatan oo uu dhacayo bisha June – ka hor waqtiga loo qabtay ee bishii hore.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here