Home Warka Xiisaha Leh Real Madrid Oo Beddelka Karim Benzema Ka Heshay Arsenal

Real Madrid Oo Beddelka Karim Benzema Ka Heshay Arsenal

0
Ad

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa xagaaga weerar ku qaadi doonta naadiga hoggaaminaya horyaalka Premeir League ee Arsenal oo ay ka doonayaan xiddig uu Carlo Ancelotti u arko inuu yahay beddelka ugu habboon ee weeraryahanka reer France ee Karim Benzema.

Kabtanka Real Madrid ee Karim Benzema ayaa waxay da’diisu kusii siqaysaa 36 jir, waxaana xilli ciyaareedkan ku habsaday dhaawacyo tiro badan oo kusoo noqnoqday, kuwaas oo hoos u dhigay awooddiisii iyo waqtigiisii ciyaareed intaba.

Ad

Laacibkan ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or bishii October ee sannadkii hore, ayaa waxa  uu Los Blancos u saxeexayaa heshiis sannad ah oo Santiago Bernabeu kusii hayn doona illaa dhamaadka xilli ciyaareedka dambe, hase yeeshee Los Blancos ayaan isku hallayn karin kalidii xilli ciyaareedka soo socda maadaama ay dhaawacyo wiiqeen oo uu nuglaaday xilli ay da’diisu weyn tahay.

Real Madrid ayaa waxa la sheegay in hadda uu diiraddeeda soo galay weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus oo uu si gaar ah u calaamadsaday madaxweyne Florentino Perez oo saluggiisa Karim Benzema uu sii badanayo maadaama 28 ciyaarood oo LaLiga ah uu kaliya dhaliyey 11 gool.

Sida uu qoray wargeyska Defensa Central, Perez ayaa waxa uu doonayaa in weerarka Real Madrid uu ka  wada ciyaarsiiyo Gabriel Jesus, Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes, iyadoo waliba kooxda uu kusoo aaddan yahay da’yarka kale ee Brazil ee Endrick Felipe oo soo gaadhi doona Bernabeu sannadka 2024 oo ay da’diisu noqon doonto 18 jir.

Arsenal ayaan la ogeyn sida ay ku ogolaan karto inay iibiso Gabriel Jesus oo xagaagii tegay ay kala soo wareegeen Manchester City, isla markaana 14 ciyaarood oo uu u sftay u dhaliyey shan gool iyo afar uu caawiyey, balse muddo saddex bilood ah u jiifay dhaawac jilibka ah.

Previous articleWaa Kuma Xiddiga Real Madrid Wacdaraha Ku Dhigaya Ee Atletico Madrid Bilaash Ugu Biiri Karaa?
Next articleReal Madrid oo war wanaagsan ka heshay qolka daawaynta kooxdeeda xilli ay kusoo wajahan yihiin kulamo adag

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here