Real Madrid oo Carqaladeeneysa Liverpool qorshaha ay ku dooneyso xiddiga Borussia Dortmund Bellingham

Jude Bellingham ayaa u muuqda mid bartilmaameed u ah Real Madrid – xagaaga soo aadan.

Los Blancos ayaa horeba u doonaysay xiddig khadka dhexe ah xagaagan iyaga oo la soo wareegay Aurelien Tchouameni oo ka tirsan Monaco .

Sida laga soo xigtay AS , Real ayaa durbaba isha ku haysa 18-jirka Bellingham mid ka mid ah mustaqbalka.

Real ayaa u aragta mid noqon kara qayb ka mid ah khadkeeda dhexe tobanka sano ee soo socda.

Xiddiga Borussia Dormtund, oo sidoo kale ay dooneyso Liverpool , ayaa loo badinayaa inuu ku dalban doono lacag qaali ah.

Dortmund ayaan wax rabitaan ah u qabin inay iska iibiso, halka aysan sidoo kale jirin wax lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*