Kooxda kubadda cagta Real Madrid waxay maar horeba diyaarisay dalab rasmi ah oo ay ka gudbinayso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Borussia Dortmund ee Jude Bellingham oo ay laba usbuuc ka hor la gaadhay heshiis shaqsi ah oo socon doona illaa sannadka 2029.
Los Blancos ayaa dib u dhigtay dalabkeeda ay u gudbinayso Dortmund, si ay ugu ixtiraamto tartanka ay ugu jiraan horyaalka Bundesliga oo ay hal dhibic ka dambeeyaan Bayern Munich oo hoggaanka haysa.
Jude Bellingham oo ogolaaday rafaasiisha iyo qodobbada dalabka Real Madrid oo ay ku jiraan tirada sannadaha oo lix ah iyo mushaharka uu qaadan doono usbuucii, ayay Los Blancos dalabkiisa rasmiga ah gudbin doontaa marka lagu kala baxo horyaalka Bundesliga.
Agaasimaha kubadda cagta Borussia Dortmund ee Sebastian Kehl ayaa waraysi uu dhowaan bixiyey ku sheegay in aanu jirin dalab rasmi ah oo ay Real Madrid kasoo gudbisay Jude Bellingham, laakiin wariyaha ciyaaraha Fabrizio Romano ayaa isaguna ku warramay in hadalkaasi run yahay oo Real Madrid aanay wali gudbinin dalabkeeda oo mar horeba ay diyaariyeen.
Romano waxa uu intaa ku daray, in Real Madrid ay gudbinta dalabka la sugayso inta uu dhinac u dhacayo horyaalka Bundesliga iyada oo ixtiraamaysa xidhiidhka fiican ee ay la leedahay Borussia Dortmund oo ay doonayso in aanay ka khalkhalinin halganka ay ugu jirto inay Bayern Munich ku garaacdo Bundesliga.