Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay dib ula soo saxiixato Martin Odegaard kaas oo ay la dhacday qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkan.
Kabtanka Gunners ayaa qaab ciyaareed xoogan ku jira xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay lix gool, waxaana uu caawiye ka noqday 4 kale 20 kulan oo uu u ciyaaray Arsenal.
Odegaard ayaa qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore amaah ku qaatay Arsenal ka hor inta uuna si toos ah ugu biirin Arsenal xagaagii 2021.
Xiddiga reer Norway ayaa 7 gool u dhaliyay kooxda ka dhisan Waqooyiga London xilli ciyaareedkii hore waxana uu xilli ciyaareedkan dhalin doonaa goolal intaas ka badan.
Sida laga soo xigtay Marca, Real Madrid ayaa heshiiskii ay xiddiga kaga iibisay Odegaard ku dartay shardi u ogolaan kara in ay dib ula wareegto xiddiga.
Sida ay sheegayaan wararku Los Blancos ayaa si dhaw ula socota xiddiga 24 jirka ah waxana ay doonayaan in ay dib ula soo saxiixdaan xagaaga dambe.
Odegaard ayaa 11 kulan u saftay real Madrid inkasta oo 9 ka mi dah kulamadaas yimaadeen xilli ciyaareedkii 2020/2021.