Real Madrid oo doonaysa inay la soo wareegto Franck Kessie sanadka soo socda

MEDINA/AFP/Getty Images)

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay sanadka soo socda keento xiddiga khadka dhexe ee kooxda Ac Milan ee Franck Kessie .

Mustaqbalka 24-sano jirkaan ayaa ah mid si weyn loo hadal hayo, maadaama qandaraaskiisa San Siro uu ku eg yahay bisha June ee soo socota, mana muuqato haatan calaamado muujinaya inuu qalinka ku duugi doono heshiis cusub.

Kooxo badan, oo ay ku jiraan Manchester United , Tottenham Hotspur , Chelsea iyo Paris Saint-Germain , ayaa weli lagu tiriyaa inay xiiseynayaan xiddiga heerka caalami ee dalka Ivory Coast.

Sida laga soo xigtay Corriere dello Sport , waxaa sidoo kale jira xiiso xoogan oo ka imaanaya Real Madrid, kuwaas oo aaminsan in uu noqon karo badalka mustaqbalka fog ee Casemiro .

Kessie ayaa dhaliyay 32 gool waxaana loo diiwangeliyay 15 caawin 196 kulan oo uu u saftay I Rossoneri tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay Atalanta BC.

Xilligan, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa mar kale ahaa ciyaaryahan muhiim ah San Siro inkastoo la isla dhexmarayo mustaqbalkiisa, isagoo dhaliyay labo gool 12 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

 

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*