Real Madrid oo dooneysa daafaca Kooxda RB Leipzig ee Dani Olmo

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay u dhaqaaqdo kubadsameeyaha kooxda RB Leipzig ee Dani Olmo si ay bedel ugu noqoto Lucas Vazquez .

Vazquez ayaa sii joogaya bilihii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Bernabeu, waxaana lagu soo waramayaa inuu diiday dalabkii Madrid ee heshiiska cusub, waxaa la filayaa inuu macsalaameeyo xagaaga.

Natiijo ahaan, El Chiringuito ayaa sheeganeysa in Zinedine Zidane uu aqoonsaday xidiga Kooxda Leipzig  inuu yahay bedelka ugu fiican ee ciyaaryahanka ay dhalashada wadaagaan.

Intaas waxaa sii dheer, Real Madrid waxaa la rumeysan yahay inay xiriir wanaagsan la leedahay wakiilka 22-jirka Juanma Lopez , iyadoo Olmo uu qandaraas kula jiro Leipzig illaa 2024, waxay ku qaadan kartaa lacag dhan € 30m (£ 26.3m)

Olmo ayaa diiwaan galiyay seddex gool iyo sideed caawin 29 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan – isagoo ka bilaabaya 16 ka mid ah 20ka kulan ee Leipzig ee Bundesliga madaama ay ku jiraan kaalinta labaad ee kala horeynta .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*