Real Madrid oo dooneysa inay Carlo Ancelotti ku badasho Joachim Low.

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa lagu soo waramayaa inuu qorsheynayo inuu bedelo tababaraha haatan ee Carlo Ancelotti Joachim Low dhamaadka xilli ciyaareedka 2021-22.

Ancelotti ayaa Los Blancos ku hogaamiyay semi-finalka Champions League, halka kooxda ay ku jirto boos xoogan oo ay ku hanan karto La Liga, iyagoo 12 dhibcood ka sareeya Barcelona oo ku jirta kaalinta labaad .

Waxa jiray warar la isla dhex marayay oo ku saabsan mustaqbalka tababaraha reer Italy todobaadyadii la soo dhaafay, inkasta oo Real Madrid la filayo in ay qorshaynayso in ay badasho tababareheeda ka hor xilli ciyaareedka dambe.

Sida laga soo xigtay El Nacional , Perez ayaa ka walaacsanaa qaabkii Ancelotti u wajahnaa kulamadii ugu dambeeyay ee Paris Saint-Germain, Barcelona iyo Chelsea, iyadoo seddexdii kulanba ay wiiqeen booskiisa Bernabeu.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Low uu yahay bartilmaameedka ugu horreeya ee Real Madrid, iyadoo 62-sano jirkaan uu haatan diyaar yahay, isagoo aan boos cusub qaban tan iyo markii uu ka tagay Jarmalka sannadkii hore.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*