Kooxda Real Madrid ayaa garaacday kooxda Osasuna kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kulan ay Los Blancos u badisay 4/0.
Kulanka ayaa ka tirsanaa todobaadkii 13-aad ee horyaalka La Liga waxana uu ka dhacay garoonka Santiago Bernabue.
Halistii ugu horaysay ee Real ayaa ka timid xiddiga Rodrygo kaas oo laad xogan ku laaday Goolka Osasuna.
Real Madrid ayaa war xun heshay kadib markii daqiiqadii 19-aad iyo 29-aad ka dhaawacmay xiddigaha Rodrygo iyo Militao kuwaas oo lagu badalay Ibrahim Diaz iyo Raul Asensio.
Daqiiqadii 34-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Vini Jr kaas oo dhaliyay gool qurux badan oo uu dhaafay daafaca Osasuna.
Xiddiga Jude Bellingham ayaa daqiiqadii 42-aad kooxdiisa hogaanka u dheereeyay isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0.
Bilowgii qeybta labaad ee ciyaarta Vasquez ayaa isaga baxay ciyaarta ka dib markii uu dareemay xanuun ka hor dhamaadka qeybta hore, waxaana booskiisa qaatay Luka Modric.
Daqiiqadii 61 aad Vinicius Junior ayaa goolka saddexaad u dhaliyay kooxda martida loo ahaa waxana uu ciyaarta ka dhigay 3/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso.
Isaga oo caawinaad ka helay Brahim Diaz, Vinicius Junior ayaa dhaliyay seddexleydiisii iyo goolkii afaraad ee Real Madrid daqiiqadii 68aad ee ciyaarta.
Natiijadan ayaa keentay in Real Madrid ay hesho dhibcaha ay ku fadhido kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka Spain 27 dhibcood.