Real Madrid oo go’aansatay inay ku guuleysato tartanka Jude Bellingham

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay si buuxda diirada u saari doonto saxiixa ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Jude Bellingham inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga dambe.

18-sano jirkaan ayaa labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay la qaatay Dortmund, isagoo gacan ka geystay 10 gool iyo 18 caawin 90 kulan oo uu u saftay kooxda heysata horyaalka Bundesliga, ka dib markii uu kaga soo biiray Birmingham City bishii Luulyo 2020.

Xilli ciyaareedkii hore, Bellingham waxa uu dhaliyey lix gool, waxaana uu caawiyey 14 gool 44 kulan oo uu u saftay tartammada oo dhan BVB, halka uu ku lug lahaa England ciyaaraha caalamiga ah ee hadda.

Da’yarka ayaa dhawaan xaqiijiyay inuu xilli ciyaareedka 2022-23 la qaadan doono Dortmund, kooxda Bundesliga ka dhisan ayaan diyaar u ahayn inay iska iibiso xagaagan xaalad kasta, iyadoo ay hore u wayday ciyaaryahankii muhiimka ahaa ee Erling Braut Haaland oo ku biiray Manchester City .

“Mustaqbalka kaliya ee aan ka fekerayo waa kulanka soo socda ee Dortmund, waxaana halkaan joogi doonaa xilli ciyaareedka soo socda, diyaar ayaan ahay,” Bellingham ayaa u sheegay Ruhr Nachrichten mar wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa bishii hore.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*