Home Wararka Ciyaaraha Maanta Real Madrid oo gurigeeda ku Garaacday Liverpool iyo Man City oo ka...

Real Madrid oo gurigeeda ku Garaacday Liverpool iyo Man City oo ka badisay Borussia Dortmund Champions League

0

Kooxda Real Madrid oo garoonkeeda Alfredo Di Stefano ku soo dhaweesay kooxda Liverpool lugta hore ee Wareega 8 dhamaadka iyadoo uga badisay 3-1.

Xidigaha Real Madrid ayaa qeybta hore ee ciyaarta labo gool ka dhaliyay liverpool waxana goolka hore daah furay Vinicius Junior kaasi oo caawin ka helay Toni Kroos, Real ayaana goolka labaad ka heshay Marco Asensio, iyadoo qeybta hore lagu kala nastay 2-0.

Qeybta danbe Kooxda Liverpool ayaa heshay gool rajo soo celin ah kaasi oo u dhaliyay Mohamed Salah lakin goolkasi kuma filnaan in ciyaarta ay bar-baro ka dhigaan kadib markii Vinicius Junior uu dhaliyay goolkiisa labaad ahaana goolkii sadexaad ee ciyaarta.

Kooxda Real Madrid ayaana u safreysa Garoonka Liverpool 14 Bishan April.

Manchester City 2 – 1 Borussia Dortmund

dhanka kale kooxda Manchester city oo ku jirta mid kamid ah waqtigeeda ugu feecnaa taariikhda ayaa garoonkeeda Etihad Stadium waxay guul 2-1 kaga gaartay kooxda reer Germany ee Borussia Dortmund.

Man City ayaa kulankan u muuqatay mid bar-baro la galeysa kooxda Borussia Dortmund ilaa dhamaadka ciyaarta markaasi oo gool cajiib ah uu u dhaliyay Phil Foden.

Man City ayaa heshay goolka hore daqiiqadii 18aad ee ciyaarta waxana hogaanka u dhiibay Kevin De Bruyne goolkaasi ayaana lagu kala nastay qeybta hore.

Qeybta danbe ee ciyaarta ayay kooxda Reer Germany heshay goolka bar-baraha waxana u saxiixay Marco Reus oo caawin ka helay Erling Braut Haaland. Lakin Man City ayaa heshay goolka guusha daqiiqadii 90 aad ee ciyaarta markii xidiga Ilkay Gundogan kubad uu si feecan u koontaroolay uu banaanka u dhigay Phil Foden kaasi oo bidix ku dhameestiray isagoo aanan sameen waxa dhaqaaq ah goolka kadib.

Man city ayaa booqan doonta kooxda Borussia Dortmund 14 bishan April

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here