Real Madrid oo guul gaaray, Xili Karim Benzema uu laaday Saddex Rigoore

Kooxda Real Madrid ayaa guul ka gaartay kooxda Celta Vigo kulan ka tirsan Horyaalka La Liga ee Dalka Spain iyadoo Saddex Rigoore loo dhigay Xidiga Benzema.

Real Madrid ayaa hogaanka horyaalka ku qabatay 12 dhibcood oo nadiif ah iyadoo 1-2 ku badisay kulankan.

qeybta hore Daqiiqadii 19aad ayay hogaanka ciyaarta qabatay Real Madrid kadib gool rigoore ah uu dhaliyay Karim Benzema iyadoo lagu kala nastay goolkaasi xili gool laga diiday Thiago Galhardo kadib markii lasoo eegay VAR.

kooxda Celta Vigo ayaa goolka bar-baraha ee ciyaarta heshay daqiiqadii 52aad kubad uu banaanka soo dhigay J. Galan waxaa dhameestiray Nolito.

Karim Benzema oo hogaanka ku soo celiyay kooxda Real Marid goolkaasi oo ahaa mid rigoore ah Daqiiqadii 70aa waxaa xusid mudan in rigoore kale laga qabtay isla qeybta hore ee ciyaarta.

Celta Vigo ayaa ku wajahan Espanyol kulan ka tirsan horyaalka Axada soo socota. Real Madrid ayaa arbacada u safri doonta Chelsea lugta hore ee sideed dhamaadka Champions League ka hor inta aysan gurigeeda kula ciyaarin Getafe kulan ka tirsan La Liga sabtida soo socota.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*