Real Madrid ayaa si weyn u nooleysay rajadeeda inay u soo baxdo wareega 16ka Champions League ka dib markii ay 2-0 ku dubteen kooxda Inter Milan oo 10 xiddig ku ciyaareysay ka dib casaan laga siiyay Arturo Vidal qeybtii hore ee ciyaarta.
Rigoore uu saxiixay Eden Hazard iyo gool uu taabashadiisii ugu horeysay ku dhaliyay Rodrygo inkastoo goolka loo qoray inuu iska dhaliyay xiddigii hore ee Los Blancos Achraf Hakimi ayay Real Madrid ku garaacday Inter oo marti loogu ahaa garoonka San Siro.
Kooxda Zidane ayaa ku jirta kaalinta labaad ee Group B iyagoo leh 7 dhibcood, waxay hal dhibic ka hooseeyaan kooxda hogaanka heysa ee Borussia Monchengladbach, Shakhtar Donetsk ayaa kaalinta 3aad ku jirta oo leh 4 dhibcood halka Inter Milan ay ugu hooseyso group-ka iyagoo leh 2 dhibcood.
Shaxda Ay Labada Kooxood Ku Soo Galeen:
Real Madrid: Courtois, Carvajal, Varane, Nacho, Mendy, Modric, Kroos, Ødegaard, Lucas Vázquez, Mariano, Hazard
Inter Milan:Â Handanovic, Bastoni, Skriniar, De Vrij, Hakimi, Barella, Gagliardini, Vidal, Young, Lukaku, Lautaro
Los Blancos ayay ku qaadatay lix daqiiqo inay hogaanka u qabato ciyaarta markii Nacho uu kubad dhex bixis ah ka helay Kroos laakiin waxaa xerada ganaaxa dhexdeeda ku lagday Barella iyadoo garsoore Anthony Taylor uu rigoore tilmaamay.
Waxaa rigoorada u soo istaagay Eden Hazard oo gool u sarifay inkastoo goolhayaha uu ka raacay kubada. Daqiiqadii 12aad ayay Real Madrid ku dhawaatay inay hogaanka sii dheereystaan laakiin kubadii uu Vazquez ku garaacay goolhaye Handanovic waxaa soo beenisay birta goolka.
Xaalada Inter Milan ayaa ka sii xumaatay daqiiqadii 32aad markii Arturo Vidal loo taagay jaalihiisii labaad islamarkaana ciyaarta laga saaray ka dib markii uu isku taagay garsoore Antony Taylor maadaama laga diiday rigoore uu ku dooday.
Arturo Vidal ayaa noqday xiddigii seddexaad ee seddex koox oo kala duwan casaan ku qaatay isagoo u dheelaya Champions League ka dib Zlatan Ibrahimovic iyo Patrick Viera. Vidal wuxuu casaan qaatay Champions League isagoo u ciyaaraya Inter, Barcelona iyo Bayern Munich.
Real Madrid ayaa hogaanka sii dheereysatay daqiiqadii 59aad markii Rodryg uu shabaqa ku soo taabtay kubadii ugu horeysay ee uu taabto markii uu bedelka ku soo galay isagoo kubada ka helay Lucas Vazquez laakiin waxaa loo qoray inuu iska dhaliyay Achraf Hakimi.
Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-0 oo ay Real Madrid ku dubatay 10 xiddig oo Inter Milan ah, waxayna natiijadaan ka caawineysaa inay u dhawaadaan u soo bixitaankooda wareega 16ka.
Los Blancos waxay ku jirtaa kaalinta labaad ee Group B iyagoo leh 7 dhibcood, waxay hal dhibic ka danbeeyaan kooxda Jarmalka ee Borussia Monchengladbach oo 4-0 ku xasuuqday kooxda Shakhtar Donetsk oo ku jirta kaalinta 3aad iyagoo leh 4 dhibcood, waxaa group B ugu hooseysa halisna ku jirta Inter Milan oo leh 2 dhibcood islamarkaana aan weli guul gaarin.