Home Falanqeynta Kulamada Real Madrid oo guul ka gaartay Valencia kuna soo laabatay booska labaad...

Real Madrid oo guul ka gaartay Valencia kuna soo laabatay booska labaad ee Horyaalka

0

Real Madrid ayaa mar kale dib ugu soo laabatay booskeeda hore ee horyaalka kadib markii garoonkeeda Alfredo Di Stefano ku dubatay kooxda Valencia kulan ka tirsan Horyaalka LA Liga oo ku soo dhamaaday 2-0,

Xidigaha Karim Benzema iyo Toni Kroos ayaana ka caawiyay Real Madrid labada gool ee kulankan Daqiiqadihii 12-aad iyo 42-aad ee ciyaarta iyadoo qeybta danbe aanan wax gool ah leeska dhalin.

Real Madrid ayaana guusha ay gaartay waxay dib ugu soo laabatay booska 2-aad ee Horyaalka oo si kumeel gaar ah u heysay kooxda Barcelona oo leh 46 dhibcood halka Real Madrid ay hada leedahay 49 dhibcood.

Maxaa Xiga

Real Madrid ayaana kulankeeda xiga la ciyaaridoonta kooxda Valladolid kulankaasi oo qeyb ka ah Horyaalka La Liga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here