Home Wararka Ciyaaraha Real Madrid oo hogaamineysa Manchester United, Chelsea, Liverpool tartanka loogu jiro Endrick

Real Madrid oo hogaamineysa Manchester United, Chelsea, Liverpool tartanka loogu jiro Endrick

0
Ad

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ka hormartay kooxaha Manchester United , Chelsea iyo Liverpool tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Palmeiras ee Endrick .

15-sano jirkaan ayaan weli u ciyaarin kooxda waa weyn, balse wax qabadkiisa heerka 20-jirada ayaa la rumeysan yahay inuu soo jiitay indhaha kooxo dhowr ah oo caan ah oo Yurub ah.

Ad

Real Madrid, Man United, Chelsea iyo Liverpool waa afar kooxood oo ay ku jiraan Barcelona , Atletico Madrid , Bayern Munich , Paris Saint-Germain , Arsenal iyo Manchester City kuwaas oo dhamaantood si dhow ula socda weeraryahanka tayada leh.

Sida laga soo xigtay Marca , Endrick ayaa doorbidaya u dhaqaaqista Los Blancos, iyadoo kooxda reer Spain ay horey xiriir ula sameysay wakiilada ciyaaryahanka.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Endrick uu qandaraaskiisa akadeemiga lagu burburin karo €17m (£14.2m); si kastaba ha ahaatee, da’yarku uma saxiixi karo koox kale oo ka baxsan Brazil ilaa uu ka gaaro 18 jir.

Sidaa darteed Endrick waa inuu sugo ugu yaraan laba sano iyo bar kale ka hor inta uusan u dhaqaaqin riyadiisa Yurub, inkastoo caqabada noocaas ah aysan ka joojin doonin Real Madrid inay wadahadal la gasho Palmeiras.

Previous articleRuben Neves oo ku jira liiska afarta ciyaaryahan ee u sharaxan khadka dhexe ee Arsenal
Next articleManchester United oo ku dooneysaa 13 milyan ginni Alex Telles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here