Home Warka Xiisaha Leh Real Madrid oo horyaalka La Liga ka heshay ciyaaryahanka ay kusoo xoojinayso...

Real Madrid oo horyaalka La Liga ka heshay ciyaaryahanka ay kusoo xoojinayso weerarka kooxdeeda.

0
Ad

Real Madrid ayaa u muuqata mid gudaha horyaalka La Liga ka heli karta ciyaaryahanka ay kusoo xoojinayso weerarka kooxdeeda xilli ciyaareedka dambe.

Madrid ayaa suuqa soo socda doonaysa saxeexa gool dhaliye cusub oo kaabis u noqda kabtankeeda Karim Benzema oo muujinaya joogtayn la’aan iyo dhaawacyo badan.

Ad

Benzema ayaa xilli ciyaareedkan kulamo tiro badan ku seegay dhaawacyo, 35 sano jirkaas ayaa la filayaa inuu sanadka dambe ee 2024 iskaga huleelo Santiago Bernabeu.

Sida lagu sheegay wargeyska Relevo, Real Madrid ayaa isha ku haysa weeraryahankii hore ee da’yarta kooxdeeda kasoo aflaxay ee Joselu Mato.

33 sano jirkaas ayaa noqday mid kamida gool dhaliyayaasha ugu fiican La Liga sanadihii ugu dambeeyay isagoon waliba kooxo tayo fiican u ciyaarayn.

Xilli ciyaareedkan waxa uu 15 gool usoo dhaliyay kooxda heerka labaad u dhaadhici karta ee Espanyol, Madrid ayaa aaminsan inuu ku haboon yahay kooxdeeda xilli ciyaareedka dambe.

Previous articleShuruuda Man United Ka Xigta Inay Saxiixa Mbappe Kula Tartanto Real Madrid oo la Ogaaday
Next articleJones Knows oo Shaaciyay saadaashiisa toddobaadka ee horyaalka Premier League iyo Kooxaha Waaweyn Ee Argagaxa La Kulmaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here