Xog hoose oo ay heshay shabakada the athletic ayaa shaacisay in Real Madrid iska diiday fursad ay kusoo ceshan lahaayeen Sergio Ramos inkastoo ay u baahan yihiin daafacyo cusub ay ku xoojiyaan safkooda.
Real Madrid waxay qorsheynaysaa inay gasho suuqa kala iibsiga si ay u xalliso dhibaatooyinka dhaawacyada daafacyadooda, balse waxay u muuqataa inay diidi doonaan fursadda ay ku soo ceshan karaan halyeeygoodii hore Sergio Ramos.
Real Madrid ma dooneyso inay u jeedsato halyeeygii kooxda, Sergio Ramos, sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada dhaawacyada daafaca ee xilli ciyaareedkan.
Tababare Ancelotti ayaan heysan xulashooyin kooban oo dhanka daafaca dhexe kadib dhaawacyada Eder Militao, David Alaba, Aurelien Tchouameni iyo Jacobo Ramon oo dhammaantood maqan. Tababaraha reer Talyaani ayaa hadda haysta kaliya Antonio Rudiger, Raul Asencio, iyo Jesus Vallejo oo ah xulashooyinka daafaca dhexe.
Warbixinno ayaa soo jeedinaya in Ramos uu albaabada u furay kooxdiisii, balse dalabkan ayaa si cad loo diiday.
Madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez, ma doonayo inuu dib ugu soo dhaweeyo daafacii hore ee kooxda wuxuuna carrabka ku adkeeyay inuusan mowqifkiisa beddeleyn.