Real Madrid oo isku diyaarinaysa inay iibiso afar ciyaartoy bisha January.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay iska iibiso afar ciyaartoy suuqa January.

Los Blancos ayaa loo saadaalinayaa inay ku dagaalanto labada saxiix ee Erling Braut Haaland iyo Kylian Mbappe sanadka soo socda, halka Antonio Rudiger uu sidoo kale bartilmaameed u yahay.

Real ayaa la filayaa inay fasaxdo xidigo dhoor ah suuqa kala iibsiga bisha Janaayo marka la eego Xaalada kooxda Carlo Ancelotti ayaa lagu soo waramayaa inuu rajeynayo inuu ka faa’ideysto fursada uu ku dhimi karo kooxdiisa.

Sida laga soo xigtay Marca , Gareth Bale , Marcelo , Eden Hazard iyo Isco ayaa dhamaantood ku jira liiska xidigaha la dirayo suuqa kala iibsiga ee jiilaalka.

Mariano Diaz iyo Luka Jovic ayaa sidoo kale lala xiriirinayay inay ka tagayaan kooxda, laakiin warbixinta ayaa intaa ku dartay in Ancelotti uu doonayo inuu sii hayo labada weeraryahan.

Ancelotti ayaa sidoo kale shir jaraa’id oo uu dhawaan qabtay ku xaqiijiyay in dhaawaca uu soo gaaray Hazard uu seegi doono kulanka Axada ee Granada sababo la xiriira xanuunka caloosha.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*