Real Madrid oo ka badisay Barcelona ciyaar ka tirsaneyd Supercopa Clásico oo shan gool leeska dhaliyay

Real Madrid ayaa guul ka soo hooyey semi-finalka Supercopa de España oo ay Barcelona kula ciyaartay magaalada Riyadh, waxaana lagu go’aamiyay gool ay ku badisay markii lagu daray waqtigii dheeriga ahaa.

Goolasha: Luuk de Jong 41′, Ansu Fati 83′; Vinícius Jr 25′, Benzema 72′, Valverde 98′

Marco Asensio iyo Vinícius Jr ayaa labadoodaba helay fursado ay goolal ku dhalin kareen qaybtii hore ee ciyaarta, wuxuuna ahaa xidiga ree Brazil kaas oo goolka furitaanka udhaliyay Real Madrid badhtamihii qaybtii hore ee ciyaarta isaga oo si fiican u dhamaystiray kubbada uu ka helay Karim. Benzema.

Luuk de Jong ayaa markaas helay dhawr fursadood oo uu Barça ku barbarayn karay si degdeg ah, laakiin labo madax uu sameeyay waxaa ka badbaadiyay goolhaye Thibaut Courtois.

Afar daqiiqo ka hor qeybta nasashada De Jong ayaa shabaqa soo taabtay ka dib markii Éder Militão uu isku dayay inuu ka soo baxo kubad uu ku garaacay xiddiga reer Holland, waxaana uu ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.

Barca ayaa si qurux badan ku bilaabatay qeybta labaad ee ciyaarta, iyadoo Ousmane Dembélé iyo Pedri ay labadoodaba iska qasaariyeen fursado ay ciyaarta uga dhigi kareen 2-1.

Benzema ayaa markaas ku dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Madrid 2-1 markii uu birta ku garaacay, laakiin dhawr daqiiqo ka dib waxa shabaqa soo taabtay xiddiga reer France markii uu kubad ku soo celiyay goolhayaha.

Ansu Fati oo bedel ku soo galay Barcelona ayaa u barbareeyay markale daqiiqadii 83aad markii uu madax ku dhaliyay kubad uu soo karoosay Jordi Alba waxana waqtiga caadiga lagu kala nastay 2-2 iyadoo lagu daray waqti dheeri ah.

98’daqiiqo Los Blancos ayaa markeedii saddexaad hoggaanka ciyaarta qabatay, waxaana u dhaliyey Federico Valverde oo ka faa’ideestay weerar rogaal celis ahaa.

kooxda Carlo Ancelotti ayaa haatan wajihi doonta kooxdii soo badisa semi-finalka Khamiista ee u dhaxaysa Atlético Madrid iyo Athletic Club .

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*