Real Madrid oo ka hadashey hadii diyaar u tahay iibita Martin Odegaard

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inaysan dooneynin inay iibiso Martin Odegaard inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Ka dib markii uu ku guuldareystay inuu saameyn ku yeesho qeybtii hore ee xilli ciyaareedka, Odegaard ayaa loo ogolaaday inuu amaah ugu biiro Arsenal inta ka dhiman ololaha.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Norway ayaa wacdaro dhigay 13kii kulan ee uu u saftay Gunners, taasoo keentay in la isla dhexmarayo inuu si joogto ah ugu biirayo garoonka Emirates.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Marca , Los Blancos ayaan dooneynin inay lacag kaash ah ku hesho 22 jirkaan 2021.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in kubadsameeyaha uu ka dhex muuqdo qorshaha mustaqbalka fog ee kooxda oo ay wehliyaan Vinicius Junior , Federico Valverde iyo Rodrygo Goes .

Odegaard labo sano ayaa ka hartay qandaraaskiisa Bernabeu.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*