Home Suuqa kala iibsiga Real Madrid Oo Kala Dooratay Erling Haaland Iyo Kylian Mbappe Midka Ay...

Real Madrid Oo Kala Dooratay Erling Haaland Iyo Kylian Mbappe Midka Ay 2024 La Saxeexanayso

0
Ad

Sida ay sheegayaan qaar kamida saxaafada ugu waaweyn qaarada Yurub, kooxda Real Madrid ayaa kala xulatay weeraryahanada Kylian Mbappe iyo Erling Haaland oo Paris Saint-Germain iyo Manchester City ka kala tirsan.

Haaland ayaa xilli ciyaareedkan ah midka ugu fiican dunida isagoo 52 gool usoo dhaliyay Manchester City ilaa haatan tartamada oo dhan halka Mbappe qudhiisu uu 38 gool soo saxeexay.

Ad

Madrid ayaa labada ciyaaryahanba lala xidhiidhiyay sanadihii ugu dambeeyay balse waxa ay markasta si weyn u doonayeen Kylian Mbappe kahor inta uusan diidin oo ku gacan saydhin inuu xor ugu biiro xagaagii hore.

Haatan sida uu sheegayo wargeyska L’Equipe, qorshaha Madrid ayaa ah inay markale isku daydo saxeexa Mbappe xagaaga dambe ee 2024 isla markaana ay wali isaga ka doorbidayso Haaland.

Mbappe ayaa heshiiskiisa Paris sanad kale kordhin kara oo ilaa 2025 gaadhsiin kara, L’Equipe ayaa sheegaya inaan la filayn haatan inuu kordhiyo sanadkaas kale qandaraaskiisa isla markaana uu xor kaga bixi karo PSG xagaaga dambe.

Iyadoo Madrid qorshaheedu yahay inay sanadka dambe weeraryahan heer caalami ah la saxeexato ayay anfacaysaa aragtida ah in Mbappe markale xor lagu heli karo wakhtigaas.

Florentino Perez ayaan doonayn inuu wax lacag ah kula saxeexdo 24 sano jirkaas maadaama xidhiidhka kala dhaxeeya Paris uusana ahayn mid fiican.

Haddii heshiiskani dhaco ayuu Mbappe mushahar dhimis samayn doonaa sidoo kalena boos bedelasho ku qasban yahay maadaama doorka garabka bidix uu si weyn iskugu muujinayo Vinicius Jr

Previous articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Arbaco Ah 24-ka May
Next articleSuuqa Real Madrid Oo Liverpool Galay & Xiddiga Laf-Dhabarta U Ah Klopp Ee Madrid Looga Gaca Haadinayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here