Home Warka Xiisaha Leh Real Madrid Oo ku Dhawaatay y Saxiixa hadka dhexe ee Borussia Dortmund...

Real Madrid Oo ku Dhawaatay y Saxiixa hadka dhexe ee Borussia Dortmund ee Jude Bellingham.

0
Ad

Kooxda ree Spain ee Real Madrid ayaa u muuqata mid talaabo hore u qaaday dhinaca isku daygeeda saxeexa khadka dhexe ee Borussia Dortmund ee Jude Bellingham.

Dortmund ayaa xalay marti ku ahayd gegida Stamford Bridge oo ay Champions League kula ciyaaraysay Chelsea oo ka reebtay tartankaas.

Ad

Sida lagu sheegay wargeyska FootMercato, Mark Bellingham oo ah wakiilka iyo aabaha Jude ayaa xalay magaalada London kula qaatay kulan Juni Calafat oo ah madaxa indho indhaynta Real Madrid.

Los Blancos ayay ka go’antahay inay xagaaga la saxeexdaan Bellingham oo ah bartilmaameedkooda koowaad ee suuqa xagaaga.

Mid kamida sababaha ay haatan usii dedaalayaan ayaa ah si ay uga hormaraan kooxaha Liverpool iyo Manchester City oo dhinacooda la filayo inay dalabaad ka geeyaan.

Sabab ay Madrid ku waayi karto saxeexa da’yarka English-ka ah ayaa ah inay 150 Milyan oo euro iibkiisa ku doonayso kooxdiisu.

Bellingham qudhiisa ayaa la sheegay inuu ka cadhaysan yahay qiimaha ay kooxdiisu ku doonayso oo uu u arko mid adkayn doona heshiis uu ku baxo.

Real Madrid marka laga yimaado inay saxeexiisa doonayso haddana diyaar uma aha bixinta lacagta badan ee BVB dul-dhigtay.

Previous articleHORDHAC: Bayern v PSG –ee Champions League, Wararka LAbada Koox iyo Shaxda Macquulka ah
Next articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Arbaco Ah 8-da Maarso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here