Home Wararka Ciyaaraha Real Madrid oo ku fikiraysa inay amaah kula soo wareegto xiddiga Chelsea...

Real Madrid oo ku fikiraysa inay amaah kula soo wareegto xiddiga Chelsea Timo Werner

0
Ad

Weeraryahanka Chelsea Timo Werner ayaa u muuqda mid bartilmaameed u ah Real Madrid , sida lagu sheegay warbixintii ugu danbeesay.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa kaliya afar gool dhaliyay xilli ciyaareedkii 2021-22 Premier League, waxaana uu ka mid yahay dhowr weeraryahan oo Blues ah oo lala xiriirinayo inay ka baxaan xagaaga.

Ad

Newcastle United ayaa si xoogan loola xiriirinayey inay u dhaqaaqdo Werner, kaasoo qandaraaskiisa Stamford Bridge uusan dhacayn seddex sano oo kale.

Si kastaba ha ahaatee, warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegtay in tababaraha Blues Thomas Tuchel uu Werner ka horjoogsaday inuu ka tago Chelsea ka dib bixitaankii Romelu Lukaku oo ku biiray Inter Milan.

Si kastaba ha ahaatee, Defensa Central ayaa sheeganeysa in Real Madrid ay si dhow isha ugu heyso xaalada iyadoo ay macquul tahay inay la soo wareegto ciyaaryahankii hore ee RB Leipzig.

Previous articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Jimco Ah 29-ka July
Next articleAymeric Laporte oo la sheegay inuu garoomada ka maqnaan doono ilaa bisha Sebtember ka dib qaliin jilibka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here