Real Madrid oo kula tartameysa Barcelona saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Georginio Wijnaldum

@Reuters

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay kula biirtay kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona iyadoo xiiseyneysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Georginio Wijnaldum .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa ku jira toddobadii bilood ee ugu dambeysay qandaraaskiisa Anfield, waxaana uu tilmaamay in wadahadalo ku saabsan heshiiskiisa cusub la bilaabay

Tababaraha Barca Ronald Koeman , ayaa Wijnaldum ku hogaamiyay xulka qaranka Holland, isagoo dhowr jeer xaqiijiyay inuu xiise u qabo saxiixa laacibka ay dhalashada wadaagaan.

Si kastaba ha noqotee, shabakada talyaaniga ee Corriere dello Sport ayaa soo jeedineysa in kooxda reer Catalan ay tartan kala kulmi karto Madrid oo ku aadan 30 jirkaan.

Zinedine Zidane ayaa dhankiisa ku dadaalaya xoojinta qadka dhexe wuxuuna aad u xiiseynayaa Wijnaldum, kaasoo loo maleynayo inuu doonayo koox cusub sanadka 2021.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*