Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay kula biirtay Liverpool iyo Manchester United tartanka loogu jiro saxiixa daafaca Braga David Carmo .
Kooxaha waa weyn ee Premier League Liverpool iyo United ayaa si xoogan loola xiriirinayay 21 jirkaan suuqii Janaayo.
Liverpool ayaa la sheegayaa in dhowr dalab ay dib u dgigtay ka hor inta aysan u dhaqaaqin Ozan Kabak iyo Ben Davies , laakiin Carmo ayaa weli bartilmaameed u ah Reds iyo United.
Si kastaba ha noqotee, wargeyska Isbaanishka AS ayaa sheegaya in Madrid ay sidoo kale isha ku heysay ciyaaryahanka reer Portugal ee da’diiso ka hooseyso 20-ka sano si ay ula wareegto.
Carmo waxaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa € 40m (£ 34.79m), laakiin Braga ayaa aqbali kartay € 25m (£ 21.74) bishii la soo dhaafay.
Madrid ayaa sarre u qaaday raadinta daafac dhexe oo cusub iyadoo ay jiraan soo jeedino xoogan oo ku aadan in Sergio Ramos uu ka tagi doono kooxda xagaaga