Real Madrid oo la kulmi doonta Kylian Mbappe 10ka maalmood ee soo socda

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay la kulmi doonto Kylian Mbappe ‘10-ka maalmood ee soo socda’, iyadoo kooxda reer Spain ay go’aansatay inay beeca xorta ah ku hesho saxiixa weeraryahanka.

Paris Saint-Germain ayaa wali si quus ah isku dayaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato 23 jirkan iyada oo uu heshiiskiisa caasimada France dhacayo dhamaadka June.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay u muuqataa mid sii kordheysa in xiddiga heerka caalami ee dalka France uu beeca xorta ah kaga tagi doono kooxda Mauricio Pochettino si uu ugu biiro Real Madrid.

Sida laga soo xigtay The Transfer Window Podcast , Los Blancos ayaa kulan la qaadan doonta weeraryahanka ‘10-ka maalmood ee soo socda’, iyadoo la rajeenayo in heshiis laga gaaro dhaqaaqista.

Mbappe ayaa dhaliyay labadii lug ee wareega 16-ka tartanka champions League ee ay PSG la ciyaartay Real Madrid laakiin waxa uu ka hor istaagi waayay in ay kooxdiisu la kulanto guuldaro 3/2 ah oo isku cel-celis ah.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*