Home Warka Xiisaha Leh Real Madrid oo lasoo Wareegaysa xiddig ka tirsan Manchester City

Real Madrid oo lasoo Wareegaysa xiddig ka tirsan Manchester City

0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa qorshaheeda suuqa iibka ciyaartoyda ku darsatay xiddig ka tirsan Manchester City oo ay doonayso inay lasoo wareegto si uu u noqdo weeraryahankooda dhexe ee mustaqbalka.

Los Blancos ayaa hore loola xidhiidhinayay ciyaartooyo waaweyn sida Kylian Mbappe oo la filayo inay si bilaash ah ku helaan xagaaga dambe, kaddib markii ay PSG diidday inay iibiso xagaagii tegay iyadoo dhamaadka qandaraaskiisana ay kaliya ka hadhsan yihiin 10 bilood.

Waxa kale oo Real Madrid lala xidhiidhinayaa weerarahanka Manchester City ee Erling Haaland oo la sheegay in dhamaadka xilli ciyaareedkan qandaraaskiisa lagu burburin karayo 175 milyan oo Euro.

Si kastaba, Real Madrid ayaa waxa la sheegay in sidoo kale uu qorshahooda soo galay weeraryahanka Manchester City iyo xulka Argentina ee Julian Alvarez oo ay doonayaan in noqdo xiddiggiooda mustaqbalka dheer ee ay doonayaan in uu hoggaamiyo, waase haddii ay waayaan Erling Haaland iyo Kylian Mbappe.

Wargeyska Fichajes ee kasoo baxa waddanka Spain, ayaa waxa uu sheegay in Real Madrid ay sannadaha soo socda diiraddeedu saarnaan doonto Julian Alvarez oo ah weeraryahan dhexe oo isaga oo ay da’diisu yar tahay oo aan fursado badan la siinin isku daray liiska ciyaartoydii ugu fiicnayd ee Koobkii Adduunka.

23 jirkan ayaa xilli-ciyaareedkiisii koowaad waxa uu Man City u dhaliyey 17 gool, waxaana qandaraaskiisa hadda ee Man City uu soconayaa illaa 2028, halka qiimihiisa suuquna uu taagan yahay €60 milyan oo Gini.

The 23-year-old scored 17 goals in his first season at City, in 2022/23, and his current contract at the

Previous articleBruno Fernandes oo Shaaciyay kalsoonida uu qabo saxiixa cusub ee Rasmus Hojlund
Next articleBarcelona oo ka xumaatay in laacibka Philippe Coutinho uu ka tago Aston Villa oo uu ku biiro naadiga reer Qatar ee Al Duhail

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here