
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Newcastle United Bruno Guimaraes ayaa durba soo jiidanaya kooxo waa weyn.
Guimaraes ayaa Newcastle ku soo biiray bishii January isaga oo kaga soo biiray Lyon wax yar ka dib waxa uu haatan bilaabay in uu muujiyo tayadiisa.
Wargayska AS ayaa sheegaya in Real Madrid ay xiddiga reer Brazil ku dartay liiska suuqa kala iibsiga ee mustaqbalka.
Dhaqdhaqaaqa xagaaga ayaan suurtogal ahayn, laakiin waxa la xusay in Guimaraes hadda lagaga hadlayo gudaha Valdebebas.
Maamulka Real ayaa si firfircoon u doonaya inay dib u habeyn ku sameeyaan khadkooda dhexe iyadoo Luka Modric (36), Toni Kroos (32) iyo Casemiro (30) ay yihiin kuwa 30 dhaafay
Be the first to comment