Home Horyaalka Ingiriiska Real Madrid oo lumin karta xagaagan Sergio Ramos, iyo Lucas Vazquez’

Real Madrid oo lumin karta xagaagan Sergio Ramos, iyo Lucas Vazquez’

0

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ku waayi karto labada xiddig ee Sergio Ramos iyo Lucas Vazquez beeca xorta ah xagaagan madaama wadahadalo cusbooneysiinta labadan xiddig ay hakad ku jiraan.

Ramos ayaa wali ah shaqsi dhiirigalin u ah Los Blancos, halka Vazquez uu sidoo kale fure u ahaa kooxda Zinedine Zidane xilli ciyaareedkan, isagoo ka qeyb qaatay labo gool iyo afar caawin 23 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Labada nin ayaa qandaraaskoodu dhacayaa dhamaadka bisha Juun, laakiin, taasoo la micno ah inay haatan xor u yihiin inay kala hadlaan heshiis kooxaha shisheeyaha ah xagaagan.

Sida laga soo xigtay Marca , Ramos iyo Vazquez ayaa durbaba diiday dalabyo uga yimid kooxda heysata horyaalka Spain, mana jirin wax dhaqdhaqaaq ah tan iyo markii la diiday.

Dhaqaalaha Madrid waxaa si xun u saameeyay cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’ ee ka dillaacay, aafada socotana waxaa la sheegayaa inay ku adkeyneyso kooxda inay kala xaajooto heshiisyo cusub

Manchester United iyo Manchester City ayaa labadoodaba loo maleynayaa inay il gaar ah ku hayaan horumarada ku hareeraysan Ramos, kaasoo 100 gool u dhaliyay Los Blancos 668 kulan oo uu saftay.

Previous articleManchester City iyo Manchester United oo labaduba wadahadalo kula jira Gabriel Veron
Next articleBarcelona oo isha ku heysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka kooxda Chelsea Marcos Alonso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here