
Real Madrid ayaa dalab cusub miiska u saartay xiddiga khadka dhexe ee AS Monaco Aurelien Tchouameni .
Real ayaa dalab 80 milyan euro ah ka gudbisay xiddiga heerka caalami ee dalka France dhamaadkii Isbuuca.
Foot Mercato ayaa sheegtay in Real ay hadda la soo noqotay soo jeedin qaabaysan oo cusub oo gaadhaysa €100m.
Madaxweynaha Real Florentino Perez ayaa go’aansaday inuu la soo saxiixdo Tchouameni ka dib markii uu ku guuldareystay inuu soo xerogeliyo weeraryahanka PSG Kylian Mbappe .
Kooxda ay xifaaltamaan ee Liverpool ayaa iskaga hartay doonista xidigan.
Be the first to comment