Real Madrid Oo Qiimo hoose loogu soo bandhigay Saxiixa Neymar

Iyadoo ay dhawaanahan soo baxayeen warar shaki badan gelinaya mustaqbalka garabka Paris Saint-Germain ee Neymar ayaa haatan lala xidhiidhinataa Real Madrid.

Sida uu sheegay saxafi Jose Alvarez oo ka shaqeeya muuqbaahiyaha El Chiringuito, PSG ayaa kaliya 50 Milyan oo euro ku iibinaysa Neymar shan sano kaddib markii ay rekoodhka 222-ka Milyan ee euro ah kaga iibsadeen Barcelona.

Alvarez ayaa sheegay in Barcelona loosoo bandhigay saxeexa Neymar, sidoo kale haatan wargeyska Defensa Central ayaa dhinaciisa ku dooday in saxeexa Ney miiska loo saaray Real Madrid.

Barcelona ayaa isha ku haysa xaalada Neymar ee PSG iyaga oo doonaya inuu qorshaha labaad u noqdo haddii ay heli waayaan Robert Lewandowski oo bartilmaameedka koowaad u ah.

Dhawaan ayay ahayd markii wakiilkii hore ee Neymar ee Wagner Ribeiro uu sheegay in 30 sano jirkaas ay ka go’antahay inuu Champions League kula guuleysto Paris taas oo muujinaysa sida uu isagu u rabo inuu baaqi ugu sii ahaado gegida Parc des Princes.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*