Kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa ku shaacisay website-keeda rasmiga ah in xiddiga reer France ee Tchouaméni uu ku dhaawacmay kulankii ay kooxdiisu guuldaro 3/1 ah kala kulantay Ac Milan.
Tchouaméni ayaa ka qeyb galay kulankii Real Madrid iyo Milan, kaasoo ku soo idlaaday 3-1 oo ay Rossoneri ku garaacday garoonka Santiago Bernabéu Stadium, kulan ka tirsanaa wareega 4-aad ee horyaalka heerka kowaad ee Champions League.
Tchouamini waxa uu baxay bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta,waxana badalay Brahim Diaz,kadib markii uu xanuun ka dareemay cagtiisa,ka hor inta aysan Real Madrid ku dhawaaqin war rasmi ah maanta oo uu ku sheegay in uu dhaawac ka soo gaaray canqowga bidix.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Spain muddada la filayo inuu maqnaado ciyaaryahanka reer France ayaa noqon doona ku dhawaad hal bil, taasoo ka dhigi doonta inuu seego fasaxa caalamiga ah ee soo socda ee xulka qaranka dalkiisa.