Sida ay warbixin cusub ku sheegeen warbaahinta Spain, kooxda Real Madrid ayaa shuruud ku xidhay khadka dhexe ee kooxdeeda ee Luka Modric si ay qandaraas hal sano oo kale ah uga saxeexdaan.
Wargeyska Sport ayaa sheegaya in shuruuda ay Madrid ku xidhay Modric ay tahay inuu ka hawlgabo xulkiisa Croatia, kooxda ayaa ka warqabta in qaab ciyaareedkiisu hoos u dhacay tan iyo Koobkii aduunka oo ay doonayaan inuu kaliya kooxda diirada saaro.
Real Madrid ayay tahay inay meel saarto qandaraasyada saddexda xiddig ee ugu waaweyn kooxdeeda ee Luka Modric, Karim Benzema iyo Toni Kroos, walow mustaqbalkooda aan meel lagu hubin haddana waxa jirta kalsooni ah inay sii joogayaan.
Modric ayuu Koobka aduunku daal badan kusoo sababay isagoo dhammaan toddobadii kulan ee macquulka ahaa kasoo ciyaaray tartankii Qatar oo uu booska saddexaad ku hoggaamiyay dalkiisa.
Marka laga eego dhinaca daqiiqadaha ugu badan, Modric ayaa booska afraad ka jooga Madrid waxaana kaliya ka badan Vinir, Valverde iyo Courtois.
Modric ayuusan dookhu ku yarayn haddii uu ka baxayo Los Blancos, dhawaan ayay ahayd markii uu heshiis 60 Milyan oo euro laba sano ah ka helay Saudi Arabia.