Real Madrid ayaa si dhab ah uga fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Bruno Fernandes .
Rikoor ayaa sheegaya in Real Madrid ay daba socotay Fernandes ‘muddo dheer’, waxaana laga yaabaa inay isku daydo inay la wareegto mustaqbalka.
Waxaa la fahamsan yahay in kooxda reer Spain ay si gaar ah isha ugu haysay Fernandes oo ku sugan dalka Qatar, halkaasoo uu haatan u matalo Portugal koobka adduunka.
Hal abuurka khadka dhexe ayaa ka soo dhalaalay wareega group-yada, isagoo labo caawin ka sameeyay kulankii furitaanka ee kooxdiisu ay la ciyaartay Ghana, ka dibna labo gool ka dhaliyay Uruguay.
Waxa la nasiyay kulankii ugu dambeeyay ee Group-ka ee South Korea, laakiin waxa uu u muuqdaa mid si toos ah ugu soo laaban doona safka hore marka wiilasha Fernando Santos ay la ciyaaraan Switzerland wareega 16ka.
Madrid iyo United waxa ay sameeyeen ganacsiyo badan sanadihii la soo dhaafay, David Beckham , Ruud Van Nistelrooy iyo Cristiano Ronaldo ayaa ka tagay Old Trafford si ay ugu soo dhaqaaqaan Bernabeu, halka Raphael Varane iyo Casemiro ay aadeen dhanka kale.
Ku qancinta United inay iibiso Fernandes way adkaan karta marka loo eego doorkiisii Erik Ten Hag.