Real Madrid oo u muuqata mid ku guuleysanaysa saxeexa khad dhexe oo Mucjiso ah.

Sida uu sheegayo saxafiga ESPN ee Martin Liberman, Real Madrid ayaa u muuqata mid ku guuleysanaysa saxeexa khad dhexe oo kale oo da’yar ah waana Joao Gomes oo Flamengo ka tirsan.

Real Madrid ayaa wali isku dayaysa saxeexayada xiddigo da’yar ah oo mustaqbalka ah gaar ahaan suuqa xiddigaha Brazil oo ay sanadihii ugu dambeeyay kala soo wareegeen Vinicius Jr, Rodrygo Goes iyo Reinier.

Haatan Martin Liberman ayaa sheegaya in Los Blancos ay maalmihii ugu dambeeyay hoggaanka u qabteen saxeexa Joao Gomes balse uusan hubin haddii ay rasmi ula saxeexanayaan suuqa January iyo haddii ay la sugayaan suuqa xagaaga dambe.

“Xogta aan hayaa waa inay Real Madrid aad ugu dhaw dahay inay isaga la saxeexato, Casa Blanca 30 Milyan oo euro ayay ka bixin doonaan isaga” ayuu Martin Liberman ku yidhi bartiisa Twitter-ka.

Joao ayay fursada uu Yurub ugu wareegayo usoo bandhigeen dhawr kooxood oo kale oo laga xusi karo Liverpool, Manchester United iyo AC Milan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*